Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Amray in Dugsiyada Muqdisho Lagu Suro Calanka Soomaaliya.

Agaasinka Waxbarashada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ku saabsan in dhammaan dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho lagu waajibiyay inay suraan Calanka Soomaaliya, iyadoo digniin la siiyay dugsi kasta oo ku guuldareysta fulinta Amarkan.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Agaasinka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaasi oo loo gudbiyay dhammaan bahda waxbarashada ee caasimadda.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay.
Sare u qaadista waddaniyadda ardayda.
Kobcinta anshaxa iyo asluubta ubadka Soomaaliyeed.
In ardayda lagu barbaariyo Jacaylka iyo dareenka qaranimo ee dalkooda.
Dhanka Kale Waxaa la xaqiijiyay in si joogto ah loo samayn doono kormeer lagu hubinayo in calanka Soomaaliyeed uu Ka taagan yahay dugsiyada, isla markaana lagu qiimeeyo tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay bixiyaan.
Qoraalka Agaasinka ayaa u qornaa Sida tan.
“Dugsi kasta waa inuu suraa Calanka Soomaaliya midabkiisa saxda ah, iyadoo la hirgelinayo barnaamijyo kor u qaadaya waddaniyadda iyo akhlaaqda ardayda. Waxaan sameyn doonaa kormeer joogto ah si loo hubiyo fulinta arrintan iyo guud ahaan tayada waxbarashada.”