AKHRISO: Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in ay wada maalgashadaan 4 dekedood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafddi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay si weyn uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxyaabaha kulankooda diiradda lagu saaray ayna ku heshiyeen ayaa ah ilaa 16 qodob waxaana kamid ah iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha,ladagalanka argagixisada,isdhexgalka bulshada,iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay ka go’antahy labada dal in ay si dhab ah isaga kaashadaan Nabadda iyo horumarka.

Qodobadda ay ku heshiiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ugu muhiimsanaa.

Waxa ay madaxda si wad jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay horey uga hortimid heshiis lala galay shirkadda DP World oo ay ku maamulayso dekada Berbera, heshiiskaas oo Itoobiya qeyb ka ahayd.