AKHRISO: Degmada Baardheere oo loo Magacaabay Gudoomiye Cusub

Maamulka Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) ka dib markii lagu eedeeyay Amar diido.

Waxaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ay u Magacowday Gudoomiyaha degmada Baardheere Ismaaciil Cabdi Shiikh Qorax.