AKHRISO: Khilaafka Khaliijka oo laga digay in Saameyn Kuyeesho Soomaaliya

Hay’adda xasaradaha Caalamka ayaa ka digtay in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Hay’adda waxa ay  siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqday in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo  Somaliland.

Markii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintaani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.