AKHRISO: Madaxweyne Gaas oo Guddi u saaray Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi u saaray dhacdadii  ka dhacday degaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag oo uu ku dilay degaankaasi mid kamid ah askarta ilaalada u ah madaxweyne Gaas Suldaan Xasan Cali Jirbiil, waxaana Madaxweyne Gaas oo uu sheegay in xal deg deg ah laga gaari doona dhacdadaasi.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)

2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise

3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale 4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam

5. Maxamuud Maxamed Ducaale Xoghayn

6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)

7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali

8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali