(AKHRISO) Madaxweyne Gaas Oo Shaqo joojin Kusameeyey Madax iyo Shaqaale Wasaaradeed

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqadii ka eryay qaar ka mid ah Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Waxaa shaqadii laga eryay Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-

  1. Maxamuud Maxamed Cali (Gabax), Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid (Fay), Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad), Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  5. Cabdicasiis Axmed Jaamac, Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe) Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.
  7. Casayr Yuusuf Maxamuud Fidiye Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Warqada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland laguma cadeyn sababta raggan shaqada looga eryay, xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.