AKHRISO: Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo kale oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday Duqii Magaalada Beledweyne, waxaana uu Magaacay xilkaasi Mudane Cali Cabdulqaadir Faarax.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday ku gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan, waxaana xilkaasi loo Magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshadda Magaalada Beledweyne, waxaana uu xilkaasi u magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.