Akhriso:-Maxay Kawada Hadli Doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Uganda?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xalay soo geba-gabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Turkiga isaga oo u ambabaxay dalka Uganda.

Inta uusan Madaxweynaha kasoo ambabixin Turkiga waxa uu kulan la yeeshay dhigiisa dalkaas  Mudane Rajab Dayib Ordogaan,iyaga oo ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu dalka Uganda kula kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaas Yoweri Musevani,waxaana ay kawada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal,iyo dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab maadaama dowladda Uganda ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku joogo Ugandha soo geba-gabeyn doono,isaga oo dib ugu soo laaban doono Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.