AKHRISO: Puntland oo raaligelin ka bixisay hadalkii Madaxweyne Gaas

Wareegto laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa raalin gelin laga bixiyey hadal dhawaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland kaas oo dad badani ku tilmaameen in loogu gefay shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland  ayaa lagu sheegay in maalmahan arkayeen  dad Soomaaliyeed oo ku mashquulsan kala qeybinta Ummadda Soomaaliyeed,iyada oo soo xiganeyey hadal uu Madaxweyne Gaas ula jeeday Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa raali gelin ku saabsan hadalkii Madaxweynaha Puntlkand loo diray Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed oo la sheegay in hadalkaas ay ka xumaadeen.

Ugu dambeyn waxaa lagu soo geba gabeeyey in puntland Shacabka Koonfur Galbeed mar walba la garab taagan tahay xoojinta midnimadooda.