AKHRISO: SOMA oo ka walaacsan Tacadiyadda Wariyeyaasha ee Khilaafka Golaha Shacabka

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA; waxa ay ka welwelsan tahay qalalaasaha siyaasadeed ee  ka dhex aloosan guddoonka Baarlamaanka DFS, kaas oo sii cakiraya shaqada iyo howlgalka Warbaahinta magaalada Muqdisho, iyo nolosha Muwaadiniinta,  waxa ay Somali Media Association ka walaacsan tahay sida ay ciidamadu ula dhaqmayaan suxufiyiinta iskudeyaya tebinta macluumaadka iyo xogta la xirirta xasilooni la’aanta siyaasadeed.

Dadweynuhu waxa ay warbaahinta ka sugayaan xog ka saabsan waxa ka dhacaya dalka, sababta ay u dhacayaan iyo dhinacyada ku lugta leh, raadinta iyo ka jawaabidda baahida xogeed ee dadweynuhu waxa ay u baahan tahay mas’uuliyad gaar ahaaneed, sidaas awgeed hay’adaha dowladda, si gaar ah laamaha ciidanka waxa ay SOMA, si lab furan uga codsaneysaa in ay xushmeeyaan Warbaahinta iyo shaqaalaheeda oo gudanaya waajib bulsho.

SOMA; oo tababar fiican siisay suxufiyiin badan oo maanta ka shaqeeya xarumo badan oo warbaahineed waxa ay rajeyneysaa in suxufiyiinta iyo madaxdaw arbaahintu ay dhaqan geliyeen xirfadihii iyo aqoontii ay ka heleen taabarkaas.

Dhinaca Kale Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) Waxa ay u soo jeedineysaa dhammaan suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta in ay dhaqangeliyaan siyaasadda iskaa isu xakameey (Self regulation), oo xilliyada ay jiraan dhacdooyinka waaweyn ee la xiriira dhinaca maamulka iyo siyaasadda loo adeegsado si hoos loogu dhigo dhibaatooyinka ka dhalan kara deganaansho la’aanta iyo khilaafka siyaasadda.

SOMA; waxa ay warbaahinta iyo shaqaalaheedaba u soo jeedineysaa in ay si fiican u qaataan kaalintooda Korjoogenimada, ayna ciyaaraan doorkooda wargelineed ee Dadweynaha, waxa ay SOMA; ka welwelsan tahay faafidda wararka been abuurka ah (Fake News) , kaas oo bulshadu ku sameeya marin habow iyo qalqal siyaasi ah.

Ugu dambeyn waxa ay SOMA; ugu baaqeysaa dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan in ay muujiyaan mas’uuliyad iyoxilkasnimo si looga fogaado wixii dhib u soo jiidi kara howlgalka Warbaahinta.