Akhriso:-Waqtiga Codka Looga Qaadayo Mooshinka Laga Gudbiyey Gudoomiye Jawaari Oo La Shaaciyey

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso.

Ajandaha kulanka ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey in uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho faray in ugu dambeyn kusoo galaan Muqdisho maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-keeda 2018, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka.