Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa isasoo taraya walaaca lag qabo in ay fowdo ka dhacdo kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo aan weli furmin,waxaana Xarunta golaha Shacabka ku sugan xildhibaanada labada dhinac ee mooshinka ka keenay Jawaari iyo kuwa diidan intaba.

Gudoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku sugan Xarunta Golaha Shacabka wallow weli la isku mari la’yahay cida kulanka shir gudoomineysa,iyada oo laba Ajande uu Maanta Baarlamaanka hoyaallo.

Ciidamo aad u farabadan ayaa ku sugan Xarunta golaha Shacabka kuwaas oo amniga xaqiijinaya,waxana warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in gudoonka Golaha shacabka  ay ciidamo la galeen gudaha Xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanada qaarkood mooshinka ka keenay Gudoomiyaha baarlamaanka oo hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen Ciidamo uu wato gudoomiye Jawaari,sidaasna uu kulanka baarlamaanka ku fur la’yahay.

Dhammaan Wariyayaasha goobta u tegay in ay Wararka soo tebaiyaan ayaa loo diday in ay galaan Xarunta Golaha Shacabka,waxana la soo sheegayaa in  Howlka ay Baarlamaanka ku shiraan ay ku jiraan xildhibaano aan badneyn basle xildhibaanada badi ay  banaanka ka joogan Xarunta.