Akhriso:-Xilkaqaadis lagu sameyay Gudoomiyihii Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Mahaddaay ,Cabdullahi Maxamed Xuseen (Geeldoox).

Wareegtada kuma xusna sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Mahaddaay,iyada oo laamaha amaanka la faray in ay la socdaan xilka qaadista uu sameeyay Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle.

HOOS KA akhriso wareegtada

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/02/