AKHRISO:>Amaro La duldhigay Guddoomiyeyaasha 8-da degmo ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa waxaa amar lagu soo rogay Guddoomiyeyaasha 8-da degmo ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtadaaas oo ku taariikheysan 26/11/2018 ayaa waxaa Guddoomiyeyaasha degmoyinka Shabeellaha hoose lagu amray in ay jojiyaan sharciyeynta iyo bixinta dhulalka danta Guud ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa digniin loo diray dad la sheegay inay ku howlan yihiin bixinta dhulal sisharcidaro ah.

Amarkana ayaa waxaa la ogeeysiiyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose,Taliyaha qeybta Booliska Gobolkaas iyo taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Shabeellaha Hoose.