AKHRISO:>Dowladda Oo ogolaatay dhoofinta duur joogta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dowladda Qatar u ogolaatay in ay dhoofsan karto Qaar kamid ah duur joogta Soomaaliya (Sagaarada) sida ku cad warqadaan ka soo baxday wasaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya oo uu ku saxiixan yahay agaasimaha Wasaaradda.

Wasaarada Xaanaada Xoolaha Soomaaliya waxay Safaaradda dalka Qadar u fasaxday in ay dalkooda u dhoofsadaan Duurjoog Tiradoodu gaarayso 14xabo oo Sagaaro ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa lagu sheegay in tilaabaddan ay qeyb ka tahay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qatar.