AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo Amartay Taliska Booliska in ay soo qabtaan Shaqsiyaad la eedeeyay

Dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu dhigo dadka ganacsadda gargaarka loogu tala galay dadka Nafaqo daro ay heysato iyo sidoo kale dadka Barakacayaasha.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saraakiishooda sare sare ee Wasaaradda Caafimaadka ay soo xaqiijiyeen in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka qaaska ee samafalka loo keenay oo loogu talagalay carruurta iyo dadka kale ee ay nafaqa daradu heyso.

Wark kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu amaray  taliska ciidanka Booliska in ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay in ay iibiyaan cuntooyinka samafalka ah ee aan iibka loo keenin dalka.

Qaar ka mid ah Hay’adaha gargaarka ayaa horay walaac kaga muujiyay in gargaarka loogu tala galay dadka Shacabka ee dhiban lagu iibiyo Suuqyadda.