Akhriso:>Gudoomiye Jawaari Waa Sharcidarro Shaqa Joojintii Lagu Sameeyey Xogheyaha Golaha Shacabka

Kadib markii Maanta Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu soo saaray Wareegto uu Shaqada uga joojinayey Xogheyaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux,ayaa waxaa Shaqa joojintaas Sharcidarro ku tilmaamay gudoomiye Jawaari.

War qoraal ah oo ka soo baxay goordhow Xafiiska Golaha Shacabka loona diray qaar ka mid ah Hay’daha dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojintaas ay tahay mid Sharcidarro ah,isla markaana gudoomiye ku xigeenka 1aad uusan kaligiis Go’aan gaari Karin.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Xafiiska gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilka qaadista iyo Magacaabista uu awood buuxda u leeyahay Gudoomiye Jawaari,isl markaana warqadii uu Shaqada uga joojiyey gduoomiye Muudeey Xogheyaha Golaha Shacabka aysan waxba ka jirin.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah Â