AKHRISO:Jawaari oo ka hadlay wararka sheegaya in uu Xilka iska casilayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu doonaayo in uu iscasilo, xilli saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen wararkaasi.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Gudoomiye Jawaari oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas been abuurka ah oo saacadihii la soo dhaafay hareeyay baraha bulshada.