Akhriso+Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagta lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay Boorsooyinka lacagta lagu waday ee shalay laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay shalay saacadu marka ay aheyd 11:40-Pm in Garoonka ay soo caga dhigatay Diyaarad nuuceedu yahay Bocing 737, taasi oo waxyaabihii ay siday ka mid ahaayeen Saddex Boorso oo aanan calaamadeysneyn.

Shaqaalaha Garoonka oo Boorsooyinka marsiiyay baaritaan ayaa ka shakiyay, kadibna waxa ay la xiriireen qeybta la dagaalanka Argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyada oo ugu dambeyn la ogaaday in laga soo buuxiyay lacag Dollar ah.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay lacagtaasi oo cadadeedu dhan tahay 9.6 Milyan (Sagal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar Mareykanka) in hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha amniga, baaritaano dheeraad ahna ay ku socdaan, halka ay ku socotay iyo wadanka ay ka timid.

Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Amniga waxaa lagu sheegay in Dowladda ay dhaqaale ka hesho wadamada taageera, balse lacagtaasi loo soo marsiiyo habraaca waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya lacagta lagu qabtay Garoonka DIyaaradaha Muqdisho in loo waday degaanada Puntland, oo mushaar ahaan loo siin rabay Ciidamada Puntland, balse Dowladdu weli war kama aanay soo saarin arrinkan.

Halkan Hoose ka Akhriso Warqadda ka soo baxday Wasaaradda Amniga.