Al-Shabaab & Dad Shacab Ah Oo Ku Dagaalamay Deegaan Ka Tirsan Sh/Dhexe Iyo Xiisad Ka Taagan

Xiisad u dhaxeysa dad shacab ah iyo ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ka taagan tahay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen xiisadan inay ka dambeysay kadib markii shalay dagaal uu ku dhexmaray Al Shabaab iyo dad shacab ah degaan lagu magacaabo Xagarey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay ninkii hoggaaminayay ciidanka dadka degaanka oo lagu magacaabi jiray Abaanduulle Hibaad Cali iyo nin kale oo lagu magacaabi oo ahaa kuxigeenka Abaanduulaha ciidanka lagu magacaabo Macamuusleyda ee ka dagaalama Shabeellaha Dhexe.

Macluumaadka kala ee la xiriira dagaalkan ayaa waxa ay sheegayaan in Al Shabaab dagaalkaasi looga dilay Saddex askari, iyada oo ay jireen dhaawacyo kale oo Shabaab soo gaaray.

Ciidankan oo ah kuwa degaanka ee is uruursaday ayaa dhawaan warbaahinta waxa ay u sheegeen ujeedada ay Al Shabaab ula dagaalamayaan inay tahay inay u adkeysan waayeen dhibaatada Al Shabaab ay ku hayaan dadka degaanka.

Dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dadka degaanka ku gacan siin waayeen dagaalka ururka Al Shabaab.