Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu qabtay howlgallo ka dhacay Baydhaba

Ciidamada Nabad-sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo maalmahan dambe howlgallo culus ka waday magaaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ayaa gacanta kusoo dhigay Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo soo galay gacantooda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu soo qabtay 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa isugu jiro koox ka tirsan Jabhadda iyo kuwa kale oo qaabilsanaa uruurinta lacaga Zakawaatka, sida lagu sheegay qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo khawaarijta katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah (sakawaadka) iyo jabhada.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dhaqarqabiyaal katirsan khawaarijta, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey Sharciga.