Al-Shabaab oo Amaro Ku Soorogay Garoomada kubadda cagta lagu cayaaro ee Muqdisho

Amar ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa gabi ahaanba lagu xiray Salax Kubadda Cagta lagu ciyaaraayay oo ku yaalla Xaafadda Shiirkoole ee Degmada Hodan.

Salaxan oo si wayn dadka ay u garanayaan, ayaa dhalinyaradii ku ciyaareysay waxa ay sheegeen amar ka soo baxay Shabaab in lagu soo wargeliyay, taasi oo aheyd in la xiro Salaxa.

Salaxan oo sanado badan dhalinyarada ay ku ciyaari jireen ayaa ah markii ugu horeysay oo Shabaab ay xiraan, iyadoo halkaasi uu ka socday tartan kubadda Cagta ah oo ay wada ciyaarayeen dhalinyaro kala duwan.

Inta badan Bisha Barakeysan ee Ramadan, ayaa dhalinyarada Salaxan ay ku ciyaaraan Kubadda Cagta, xittaa waxaa lagu ciyaari jiray iyadoo xaaladda Magaalada sidan ka adag oo waqtigii ciidamada Itoobiya ay joogeen Magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada gacanta ku haysa Salaxan, waxa ay sheegeen in Shabaab ay u soo direen Taleefoon laguna wargeliyay kaliya inay xiraan Salaxa, loomana sheegin sabab kale.

Xoogaga Shabaab ayaa horay u xiray Salaxyo Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood dib loo furay kadib markii labada dhinac uu dhexmaray wada hadal.