Al-Shabaab Oo Dad Ku toogtay Deegan Katirsan G/Shabeelaha dhexe

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku toogteen 3 Nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Sirdoon ka tirsan Ciidanka dowladda sidda ay sheegeen Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa isugu yeeray dadka Degaanka oo u soo daawasho tagay fagaaraha lagu tooganaayay Saddexdaasi ruux ee Shabaab ay toogteen.

Labo ka mid ah ragga la dilay  oo katirsan ciidamada dowladda ayaa lasoo taagay maxkamad ka hor toogashadooda waxaana lagu kala magacaaba Cali Salaad Cabdi-Cali oo 21 jir iyo Maxamad Xuseen Xassan oo 25 sano jir.

Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Al Shabaab ayaa waxaa ka dhaca xukunada noocaan oo kale ah ee loo gaysto dadka Shabaab ay eedeeyaan iyo askarta ay gacanta ku dhigaan.