Al-Shabaab oo dib ula wareegtay deegaano ku yaalla SH/DHEXE

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab saaka lagu arkay aagga degmada Mahadaay, halkaas oo ay soo faarujiyeen ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Deegaanada ay gaareen Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Cali Fooldheere iyo Ciid-ciidka oo dhaca jinka wabiga, halkaas oo horay looga saaray maleeshiyaadka kooxda.

Ujeedka kooxda ayaa ah inay isku fudiso dhulkaasi, kadibna ay goyso waddada dheer ee isku xirto gobollada Hiiraan iyo Shabeela Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda dhaq-dhaqaaqyo bilaabay ciidamada huwanta oo ujeedkooda yahay inay ku laabtay deegaanada ay kasoo baxeen.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta aya sameynayay dib u gurasho, waxaana ay kasoo baxeen magaalooyin dhaca HirShabelle iyo Galmudug oo ay dib ula wareegtay kooxda.