Al-Shabaab Oo dil toogasho ah ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe

Falkan toogasho ah ayaa Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen  fagaaro ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe,waxaana ay ku fuliyeen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

5-ta  Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah  ayaa waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegeen.

1: Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

2: -Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Dowlad goboleedka Jubbaland.

3: Cabdi Raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4: Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyaan in uu la Shaqeynayay Maamulka Koonfur Galbeed.

Iyo Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay in uu la Shaqenayay Ciidamada Bangaraafta ee xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas oo uu tababaray Mareykanka.

Waa maalintii labaad oo xriir ah oo ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyaan dad ay ku eedeynayaan inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera,waxaana maalin ka hor fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen la Sahqeynta Dowladda iyo dalalka taageera.