Al-Shabaab oo durba kasoo kabatay dharbaaxadii DF,

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku guuleysatay in markale ay hawada kusoo celiso bogagii Internet-ka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay horey uga xirtay.

Bogagga Al-Shabaab ee Internet-ka iyo baraha bulshada ayaa weli faafinaya fariimaha guracan ee kooxda, inkasta oo dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u xiri lahayd.

Sida uu shaaca ka qaaday barnaamijka Galka Baarista, illaa laba shabakadood oo ahaa kuwa ugu waaweyn ee kooxda ayaa si deg deg ah usoo laabtay kadib markii dhawaan laga saaray hawada.

Sidoo kale waxaa baraha aad loo isticmaalo ee sida Facebook iyo Telegram ka howl-gala akoonno xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, kuwaasi io si joogto ah usoo noqda marka ka xiro akoonnada la aqoonsan galay, iyaga oo halkii kasii wada maran habaabinta iyo faafinta fikradaha guracan ee kooxda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay mudnaan gaar ah siisay in ay yareyso joogitaanka kooxda ee warbaahinta casriga ah iyo Internet-ka, si loo yareeyo saameynta faafinta fikradaha xagjirka.

Inkasta oo dowladda dadaal ku bixineyso dagaalka kooxda, gaar ahaan joogitaankeeda Internet-ka, ayaa haddana waxaa la dafiri karin sida kooxda ay khibrad iyo waaya-aragnimo dheer ugu leedahay ka faa’iideysiga barahan, waana midda keenaysa in marwalba ay soo laabtaan marka laga xiro.

Si kastaba, dowladda ayaa waxaa horyaalla si uu u mira-dhalo dagaalka inay la timaado falsafad cusub oo ay ku wajahdo garabka warbaahinta Al-Shabaab oo aan ahayn xiritaan oo keliya, maadaama uu dagaalka warbaahinta kooxda ka dhanka ah uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda dowladda Xasan ay u dejisay dagaalka Al-Shabaab.