Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay maanta dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kaas oo ku soo aaday, kadib heshiiskii badda ee muranka dhaliyay, kuna dhex-maray Addis Ababa Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku ekeeyay saldhig ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhex-maray ciidamada Itoobiya ee deganaa saldhigga iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama goobta lagu dagaalamay ay tahay saldhig aan xog badan laga heli karin.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, laakiin saraakiisha ammaanka ee degmada Diinsoor oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in dib loo celiyay maleeshiyadii beegsatay saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaalla gudaha degmadaas.
Weerarkan cusub ayaa kusoo aaday, xilli ay Al-Shabaab dhowaan ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, ayada oo wacad ku martay inay difaaci doonto dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed, isla markaana aysan ogolaan doonin damacaasi.