Al-Shabaab oo Madaafiic kuweeraray magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaallo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa Saldhiga ay ku sugnaayeen waxa ay ka ridayeen qoryo culus oo ay ugu jawaabayeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka Madaafiicda ah kusoo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay suuragal inay tahay dagaalkaasi inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Al Shabaab ayaa badanaa weerarada noocaan oo kale ah la eegta Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya.