Al-Shabaab Oo Madafiic Kuweeraray Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Jubbaland

Alshabaab ayaa xalay weerar madaafiid ah waxa ay kun weerareen deegaanka Baar-saanguuni ee gobalka Jubada Hoose,saqdii dhexe ee xalay waxaa jug culus laga maqlayay saldhiga ciidanka jubaland ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ilaa iyo 4-jug ay maqleen laakiinse aysan xaqiijin Karin halka ay ku dhacayeen,Alshabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigaan ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee gobalka Jubada hoose.

Saraakiisha Maamulkaas oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in aysan jirin waxa khasaara ah oo ka dhashay hoobiyaashaas ay Shabaabku ku weerareen Saldhiga milatari,sidaan oo kale ayaa dhowr jeer waxaa madaafiic loogu garaacay saldhigaan iyada oo ay sii dheereed weerar toos ah oo Alshabaab ay marar badan ku qaadeen.