AL-Shabaab oo Qarxiyay Xarun Shirkad Isgaarsiineed

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa weeraray Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ee laga leeyahay dalka Kenya ku leeyihiin deegaanka Caana-dhasheega oo ah deegaan hoostaga magaalada Wajeer.

Dagaal ku dhawaad saacad socday ayaa dhexmaray Ciidamo Soomaali ah oo ilaalo ka hayay Shirkadda Safaaricom Xarunteeda, balse markii dambe ay Ciidamada goobta isaga tageen.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Al-Shabaabay ku burburiyeen Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ee deegaanka Caana-dhasheega oo ah deegaan hoostaga magaalada Wajeer, balse aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarkaas ay Al-Shabaab ku burburiyeen Xarunta Shirkadda Safaaricom ku leedahay degaan hoostaga Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab sidaan oo kale weeraro uga fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari, iyaga oo dad ku dilay kuna burburiyay Xarumo Isgaarsiineyd