Al-Shabaab Oo Sheegay in Ay Magaalad Muqdisho ku dileen Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Boliiska

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dishay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliiska Somalia.

Rag ku hubeysnaa bistoolado oo iyaga ka tirsanaa ayay sheegeen in sarkaalkaas ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kuwaas oo dilka kadibna  goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa waxa ay magaca sarkaalkaas ku soo gaabiyeen Gambar

oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada booliiska Somalia gaar ahaan kuwa kahowlgala degmada Wadajir.

Sikastaba dilkaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli xalay rag hubeysan ay bambaanooyin ku weerareen saldhigga degmada Wadajir wallow markii dambe la qabtay.