Al-Shabaab Oo Sheegay in ay Muqdisho Kudilen Askar katirsan Ciidamada Dowlada

Al-Shabaab ayaa Baraha ay Wararka ku faafiyaan wax ay ku qoreen in Maanta ay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ku dileyn Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in rag hubeysan oo iyaga ka tirsan ay Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileyn laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya halka midka kale uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay dileyn askar ka tirsan Ciidanka dowladda maamulka degmada Yaaqshiid wax faah faahin ah kama bixin.