Al-Shabaab oo sheegtay in 59 Askari oo AMISOM ah ku dileen Weerarkii Buulo Mareer

Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynaayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.

Gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday ayaa kala ah gaari Dayna ah iyo gaari caasi ah oo laba nin oo Shabaab ka tirsan ay wadeen, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo halkaasi ka bilowday.

Ciidamada Shabaab ayaa beegsaday Saldhiga AMISOM, waxaana ka dhacay halkaasi dagaal culus oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidanka Amisom sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Buulo mareer.

Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Mareer, ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus, balse uu ka horeeyay laba qarax oo waaweyn, kuwaasi oo gaadiid loo adeegsaday.

“Gaari Dhayna ah iyo gaari caasi ah oo qaraxyo ay ka buuxaan, ayeey ku soo weerareen Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo mareer, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo ay ku soo qaadeen Xerada ciidamada AMISOM.” Ayuu yiri Muxudiin.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay 59 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ah ay ku dishay weerar ka dhacay Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen 59 Askari oo Ciidamada Uganda ee ka midka ah AMISOM,.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan weerarka culus ee ka dhacay degaanka Buulomareer.