Al-Shabaab Oo sheegtay in Gobolka Jubbada Hoose ay weerar Kula Eegteen Ciidamo Cadaan ah

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegteen in weerar duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose kula eegteen kolnyo isugu jirtay Mareykanka, Kenyan iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Shabaabka war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarka inuu ku bilowday qarax, intaasi kadibna uu xigay dagaal socday mudo ka badan Saacad.

Waxay kaloo Shabaab sheegteen gaari nuuca Gaashaaman oo ay la socdeen Ciidamo Caddaan ah in ay waxyeello ku gaarsiiyeen qaraxan oo lagula eegtay meel ku dhow degaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Kismaayo.

Idaacadda Andalus ee Afka Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in khasaare xooggan Ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay dileen laba ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada Jubbaland Hal Askari uu kaga dhintay dagaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii isugu jiray Cadaanka iyo kuwa Jubbaland ay dib ugu laabteen Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo markii hore ay ka soo dhaqaaqeen.