Al-Shabaab Oo Sheegtay Weerar kadhacay G/Shabeelaha Hoose

Al-Shabaab ayaa sheegtay dagaal culus oo ka dhacay duleedka degaanka Jasiira in ay ku qabsadeen gaari nooca gaashaaman ka dib markii Wadada u galeen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo xoogga dalka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen Lix Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka degmada Qoryooleey Sh/Hoose.

Dagaalyahano  hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in ay weerareen saldhigga melleteriga Uganda waxaana halkaas ka dhacay iska hor’imaad in mudda ah socday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan sheegashadda Al-Shabaab ee weeraradaan la sheegay in ay ka dhaceen gobolka Shabeellaha Hoose.