Al-shabaab oo Sheegtay Weerarkii Xerada Janaraal Gordan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu caawa fuliyey askari ka tirsanaa ciidankii tababarka ku qaadanayey xerada Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka.

Saraakiisha Imaaraadka ah ee halkaas lagu dilay waxay Shabaabku sheegeen inay kala ahaayeen Taliyihii howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii tababarrada, madaxii sirdoonka iyo madaxii saadka iyo gaadiidka, balse ma jirto xog ka madax banaan warka Al-Shabaab oo cadeyneysa in saraakiishaas ay dhinteen.

Askariga weerarka fuliyey ayaa ka mid ahaa askartii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, balse wuxuu kaligiis qaatay go’aan uu ku laayey saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xerada oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah, hadana faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya.

Xogta ay  heshay Warbaahinta Weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordon.