Al-Shabaab Oo Soo bandhigay Askari ay sheegeen in uu Kasoo Goosray Maamulka Jubbaland

 Ururka Al-shabaab ayaa degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay tilmaameen inuu garowsaday inuu ku biiro Shabaab.

Xasan Khayre Xuseen ayay Shabaabku ku sheegeen magaca ninkan, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa.

Waxay tilmaameen Shabaabka, sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab.

Shabaab sidan oo kale ayay horey ugu soo bandhigeen degaanada ay ka taliyaan rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, oo isku dhiibay dhankooda.

Todobaadkii hore Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo waxa ay ku soo bandhigeen nin ay sheegeen inuu ka soo goostay ururka Al-shabaab.