Al-Shabaab Oo Weer Ku qaaday G/woqooyi bari Dalka Kenya

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weeraro khasaaro geystay oo kala duwan ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka 1aad ayaa waxaa uu ka dhacay wadada u dhaxeeysa deegaanka Yunbis iyo Magalada Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday Gawaari ay lahayeen Hay’adaha UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen laba Nin oo mid ka mid ah uu ahaa Darawalka Gaariga.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Tuulada Sinow oo hoostagta  Magaalada Mandheera,waxaana weerarkas ay Shabaab sheegteen inay ku dileen Wiil iyo Aabihiis oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgasha Gobolka Waqooyi Bari.

Weeraadaan kala duwan ee saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay Magaalooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya weli dhankooda kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya, hayeeshee waxaa inta badan gobolkaasi weeraro ka fuliya Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.