AL-SHABAAB oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ku yaalla duleedka BALCAD.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin deegaanka Xawaadley oo hoostaga magaaladaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay inay qarxiyaan, iyaga oo miino ku xiraya buundada deegaankaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka shacabka ah, balse waa laga hortegay.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay haatan wadaan howlgallo dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku raad joogaan xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaq laga dareemayaa aagga halka lagu dagaalamay.