Howlgal Qorsheysan oo Ay Fuliyeen Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Alsuna ayaa ka dhacay deegaanka Labidulle, dhanka koonfureed ee Magaalada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Howlgalkaan ayaa lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Alshabaab oo xalay halkaasi ku yimid si dhuumaaleysi ah. Laamaha ammaanka ayaa xogtaasi la wadaagay dadka deegaanka.

Howlgalkan waxaa si gaar ah u fuliyey ciidamada Amniyaadka gaarka ah ee maamulka, oo uu hogaaminayey Taliye Aidid Mohamed Ali. Inta la xaqiijiyey, kooxda waxaa looga dilay 3 xubnood. Taliye Aidid oo la hadlay Warbaahinta Galgaduud ayaa yiri, “Rabbi ayaa mahad leh. Waxaan ku guuleysanay in aan cagta marinno kooxdii sharwadayaasha ee Khawaarijta ee caadaystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed. Waxa ay doonayeen in ay halkaan fariisin ciidan ka sameystaan, waxaana nagala shaqeeyey dadka deegaanka oo nagu soo wargaliyey. Waan uga mahadcelineynaa. Kooxda waxaan howlgalkaan uga dilnay illaa 3 xubnood oo ay maydkooda ka carareen. Dhaawacyo badan oo ay jiiteen ayaan aragnay raadkooda.”

Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Amniyaad Maamulka Gobolada Dhexe ee Alsuna, Aidid Mohamed Ali, ayaa intaasi ku daray in ay wali kusii raad joogaan oo ay baacsanayaan haraadigii kooxda, oo maanta dagaal xoogan ku dhex maray deegaanka Labidulle iyo deegaanada kale ee ku xeeran. Waxa uu sheegay in dhankooda uu khasaare kasoo gaaray 2 askari oo dhaawac fudud ah.

Wixi warar kusoo kordha, halkaan ayaad kala socon doontaan.