Al Shabaab oo weerar ku qaaday Degnada Qoryooley

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowladda federaalka ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolkaasi.

Dagaalkan u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Shabaab ayaa waxa uu socday ku dhawaad muddo Hal saac ah, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowladda federaalka oo helay gurmad dheeraad ah ayaa waxaa u suuragashay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan ayaa khasaaraha rayidka ka soo gaaray wuxuu yahay Hal qof oo dhimasho ah iyo qof kale oo dhaawac ah, inkastoo aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhinacyada dagaalamay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo ku sugan degmada Qoryooley ayaa wuxuu warbaahinta  u sheegay dagaalkan khasaaraha ka soo gaaray inuu yahay mid kooban, islamarkaana keliya ay kaga dhaawacmeen laba askari.

Dhanka Shabaab ayuu sheegay inay gaarsiiyeen khasaare xooggan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay ku daba jiraan raggii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Qoryooley ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay wadaan hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayo, lama soo sheegin hawlgaladan cid lagu soo qabtay.

Shabaab ayaa u muuqda kuwo mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay saareen culeys Millatari, welina dowladda qorshe ay weeraradan wax kaga qabaneyso lama aysan imaan.