Al-Shabaab Oo Weerar Ku qaaday Saldhig ay lahaayeen Ciidamada Dowlada

Wararka aan ka heleyno deegaanka Deynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaaba ay dhowr jiho ka soo weerareen Saldhiga Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay,isla markaana waxaa intaas kadib qarxay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heysta Saldhiga Ciidamada,kadib markii halkaas gebi ahaan ay isaga baxay Ciidamadii ku sugnaa.

Ciidamadii dowladda ee ka baxay Saldhiga ayaa weerar kusoo qaaday halkaas,waxaana la sheegayaa inuu dagaal Culus dhexmarayo Ciidamada iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Weli lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashya dagaalka ka socda deegaanka Deynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo.