Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku bilaawday Ku Qaaday Deegaanka Baar Sanguuni

Wararka ay warbaahintu  ka heleyso Deegaanka Baar-sanguni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsn Shabaab ay saakay aroortii weerar abaabulan ku qaadeyn fariisimo ciidamada Jubbaland ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahanada shabaab ee weerarkaani gaadmada ah soo qaaday ay isku qeybiyeen dhowr jiho iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay jahwareeriyaan ciidamada ay weerareen.

Weerarkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo aanan weli si rasmi ah loo xaqiijin waxaase wararku sheegayaan in khaaaraha badankiisa uu oo gaaray ciidamada Jubbaland ee la weeraray.

Dhawaanahaanba ciiidamada Jubbaland gaar ahaan ciidamadaan la weeraray saakay ayaa waxa ay wadeyn qorshe ay shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga harsanyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo aan xiriiro kala duwan la sameenay si aan wax kaga weydiino weerarkaasi lagu soo qaaday saakay aroortii ayaanan inoo suurta gelin.