Al-Shabaab oo Weeraray Kuqaaday degaan katirsan Dalka kenya

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Hamey oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya  ayaa  warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen weerar ay Kenya ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dagaal socday Muddo ku dhow hal saac in uu dhexmaray ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale Shabaab weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka weerareen degaankaasi oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Libio.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Kenya ay sheegayaan in ay waddaan baaritaano.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla  xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya  iyo Kenya.