Al-Shabaab Oo Xalay Weeraray Bar-Koontorool Ay Leeyihiin Ciidamada Dowladda

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar kedis ah ku qaadeen bar Kontarool oo ku taalla  dhinaca Koonfureed ee magaalada Jowhar, sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  waxa ay u sheegeen inta uu iska hor imaadka socday inay maqleen rasaas xoogan oo ciidamada Kontoroolka joogay iyo Shabaabka weerarka soo qaaday ay isweedaarsadeen.

Khasaaraha horudhaca ah ee dagaalkan aan ka helnay ayaa waxa uu yahay dhimashada Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Kontoroolka joogay iyo dhaawaca mid kale, iyada oo aan la xaqiijin khasaaraha gaaray Shabaab.

Barta koontarool ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada Hirshabeelle oo uu degen yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, guriga madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Weerarka Shabaab ay ku qaadeen magaalada Jowhar ayaa wuxuu ku soo aaday xilli shalay magaaladaasi uu booqasho ku tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga iyo taliyaha booliska Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saakay ka heleyno magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay baaritaan dabagal ah ka wadaan Kontoroolka ay Shabaab soo weerareen, waxayna ku raadjoogaan xubnaha weerarka soo qaaday.