Al-Shabaab Oo Xalay Weeraray Degmada Balad-Xaawo

Xalay Saqdii dhexe ayaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerareen degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray degmada Balad-Xaawo,hayeeshee dad ku sugan degmada Balad-Xaawo ayaa u sheegay Radio Galgaduud in daqiiqado kadib ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland isaga baxeen degmada Balad-Xaawo.

Sidoo kale Ciidamada Kenya oo Saldhigyo ku leh Magalada Mandheera oo u dhow Balad-Xaawo ayaa la sheegay inay madaafiic is weeydaarsadeen Al-Shabaabkii weerarka kusoo qaaday degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalkii koobnaa iyo madaafiicda xalay la isku-weeydaarsaday degmada Balad-Xaawo ayaa la sheegay inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dad ku sugan Balad-Xaawo ay sheegeen in Al-Shabaab gowraceen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas.

Al-Shabaab ay mudo dhowr Saacadood ah gacanta ku haayay degmada Balad-Xaawo kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxeen.

Wararka saakay naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay degmada dib ugu soo laabteen,iyaga oo markii hore tegay Magalada Mandheera.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Balad-Xaawo waxaa ka taagneed cabsi dagaal,kadib markii Maamulka degmada uu ku amray inay Magalada isaga baxaan Xaasaska Al-Shabaab,hayeeshee Al-Shabaab ay magaalada culeys soo saareen.