Al-Shabaab Oo xiray dad Ajaanib ah

Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay xireen dad Ajaanib ah oo halkaasi ku sugnaa.

Dadkaan ayaa lagu qabtay howlgal ciidamada Al-Shabaab ay ka sameeyeen degmada Jilib

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in dadkaan oo kasoo jeedda Kenya ay Ciidamada Al-Shabaab uga shakiyeen in ay yihiin Basaasiin.

Baaritaano ayaa ku socda dadkaan Ajaanibta ah oo la geeyay xabsi ku yaalla degmada Jilib oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsadda Ajaanibta ku sugan degaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana ay sheegaan in ay yihiin Sirdoon u shaqeeya dalalka reer Galbeedka.