Al-Shabaab oo xukun dil ah kuriday rag lagu soo eedeyay fal kufsi ah

Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable  ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi.

Laba nin oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsadeen afar dumar ah, islamarkaana mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu dilay laba haween ah, ayaa xukunkaan lagu fuliyay.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Boqol Karbaash, waxaana intaasi u sii dheereyd in degaanka muddo sanad ah ragaasi laga masaafuriyay.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sidoo kale ninka dilay labada Gabadhood ku xukuntay in uu bixiyo Diyadooda, Maadaama ehelkooda ay dalbadeen diyo.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.