Alexis Sanchez Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Noqdo Mid Lagu Hungoobo & Xiddiga Reer Chile Oo Aan La Cunteynin Ciyaartoyda Red Devils.

Dhaqamada uu Alexis Sanchez kusoo bandhigay meelaha ka baxsan garoonka ayaa walaac ku abuuray shaqaalaha tababarka Man United sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Xidigaan reer Chile ayaa kusoo biiray Man United bishii January isagoo heshiis kala badalasho ah oo dhinaca kale u dirtay Henrikh Mkhitaryan kusoo gaaray garoonka Old Trafford.

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay kaliya hal gool 10-kulan oo uu kooxda kasoo muuqday, taasoo keentay in shaqaalaha kooxda ay cabsi weyn ka muujiyeen hab dhaqankiisa inuu u muuqdo mid qoomameyn ah.

Shabakadda Daily Mail ayaa baahisay in Sanchez uu noqday mid ka gooni ah xidigaha kale, sidoo kalana u muuqda mid muujinaya inuusan wehel u baahneyn maadaama uu kaligiis cunteeyo.

Sanchez wuxuu doonayaa inuu hormar sameeyo, balse walaaca weyn ayaa laga qabaa iney xidigaha kale isku dhacaan ama ay sii kororto inuu gooni ka ahaado saaxiibadiis taasoo keeni karta is faham darro ka dhex taagan xidigaha ugu muhiimsan kooxda.

 Alexis Sanchez wuxuu haatan la maqan yahay qarankiisa isagoo soo gudanaya laba kulan oo waajibaad ah, mana kusoo laabanayo kooxda ilaa dhamaadka bishaan.

Maamulka Man United ayaa cabsi xoog leh ka qaba in Sanchez uu noqdo sida Angel Di Maria oo kale, walow uu yahay xiddiga ugu mushaarka badan Premier League.

Jose Mourinho wuxuu qof walba u sheegay in Sanchez-kii dhabta ahaa la arki doono xilli ciyaareedka soo aadan, walow kursiga keydka la dhigay kulankii Brighton & Hove Albion.