AlShabaab iyo Dad Shacab oo dagaalamay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal u dhaxeeyay Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab iyo dad shacab ah, kaasi duhurnimadii maanta oo ka dhacay degaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya dagaalkan inuu yimid kadib markii Shabaabka iyo dadka degaanka uu soo kala dhexgalay isqab qabsi, sidaasina uu ku bilowday, oo labada dhinac uu dhexmaray dagaal kulul.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka Bulacle ayaa intii uu socday dadka degaanka waxa ay garab ka heleen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka kala yimid Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, maadaama uu socday muddo saacado ah la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, weli degaanka uu dagaalka ka dhacay waxaa ka taagan xiisad.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin dagaalkan, balse saraakiisha qaar ayaa waxa ay sheegeen in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha dhashay dagaalka dhacay.

Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in duleedka Degaanka ay ka raadinayaan dadkii halkaasi kula dagaalamay si ay tallaabo uga qaadaan, balse dadkii la dagaalamay Shabaabka qaarkood ayaa ka baxay Magaalada oo waxa ay galeen duurka